Dib u dhac ku yimid bandhiga Tayo dhowrka ganacsiga Soomaaliya

by admin | Monday, Aug 24, 2015

Muqdisho : HN :–Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in uu dib u dhac ku yimid bandhigga tayo dhowrka ganacsiga dalka Soomaaliya, kaasi oo lagu qaban lahaa dalalka Cumaan iyo Imaaraadka Carabta.astaanta-qaranka

War ka soo baxay Wasaaradda ganacsiga Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u dhaca uu ka yimid arrimo farsamo, shirkaas oo lagu soo bandhigi lahaa tayo dhowrka ganacsiga dalka Soomaaliya isla markaana ay ka qeyb geli lahaayeen ganacsatada Soomaalida.

Barnaamijkaan oo Dowladda Federaalka u xil saartay shirkad Turkiga laga leeyahay oo magaceeda lagu soo gaabiyay PGM isla markaana kulankaasi looga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa tayo dhowrka badeecadaha kala duwan ee loo dhoofiyo dalka gudihiisa.

Wasaaradda Ganacsiga oo horay u soo saartay jadwalka shirkaasi iyo arrimaha looga hadlayo, ayaa sheegtay in la qabanayo shirkaasi marka meesha laga saaro arrimaha farsamada ah ee dib u dhaca keenay.

Shirkadda PGM ayaa iyadu baaritaano ku sameyneysa tayo dhowrka badeecadaha dalka laga dejinayo iyo kuwa dibadda loo dhoofinayo, iyadoona qorshahaani uu yahay markii ugu horeysay muddo 25-sano ah kaddib dalka laga hir-gelinayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!