Dib-u-dhiska & Horumarinta Dal ay dagaaladu aafeeyeen, WQ: Ahmed Mohamed Rooble

by Yahye | Friday, Oct 12, 2012

“ Ficil Facaa Baa Ku Bara ’’

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Nuxurka Aragtida/Dooda.

Waxaan Rabaa inaan aqristayaasha la wadaago mowduucaan aan u arko in uu mihiim u yahay in ay fahmaan dhamaan dadka soomaalida ah anigoo mowduucaan kusoo qaadan doono 1- Tusaalooyin dalal aduunyada ku yaal oo dagaalo sokeeye aay ragaadiyen hada ka baxay oo dalkooda dib-u-dhis iyo horumar gaarsiiyay sida Angola, Algeria, Rwanda oo ku yaal qaarada Africa oo ah qaaradii dagaalka,faqriga,mugdiga iyo gaajada. Sidoo kale waxaan ku dari doonaa dalalka kale ee U-S-A iyo Greek oo ku kala yaal qaarada Europe & America. 2- Waxaan isku dayi doonaa inaan tooshka ku ifiyo dhinacyada laga dhisi karo sidoo kalana laga horumarin karo dalalku marka ay dagaalada kasoo baxaan ? & Ugu dambeyn in hogaanku muhiim u yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta dalalkaa ?

Dagaaladu iyo qilaafaadku waxeey qeyb ka yihiin taariikhda iyo nolosha aadanaha oo dhan oo hadii aad si fiican u eegto qisaska quraanku ka waramayo waxaad arkeeysaa in Nabi Aadam C.S labadiisii wiil u dagaalameen iskuna dileen qilaaf dartiis ilaa manta ayaa dagaaladu iyo qilaafaadku ka socdaan Syria iyo meelo kale oo aduunyadu ku yaal.Waxaa jira dalal badan oo dagaalamay hadana fahmay in midnimadu iyo wada noolaashuhu tahay mid muhiim ah sidoo kalana lagama maarmaan u ah jiritaankooda, falsafada noloshooda, dhaqankooda, diintooda iyo in ay kasii mid ahaadaan aduunyada waxaa qilaafaad iyo dagaalo ka dhaceen dalalka Angola , Algeria Rwanda iyo Kuwo kale oo aan soo koobi doono taariikhda dagaaladaa iyo meesha ay ka taagan yihiin aduunyada manta balse waxaa sababa dagaalada badankood sad bursasho dhaqaale ama qeyraad oo dadka qaarkii sameeyaan sidoo kale cadaalad darro, ku xad gudubka caqiido, aqoonsi, dhaqan iyo diin.

1}Dagaalkii sokeeye ee Angola

Dagaalki sokeeye ee Angola wuxuu biloowday kadib inyar xurnimadii Angola 1975 wuxuuna ahaa dagaalada sokeeye kii ugu dheeraa ee ka dhaca Africa oo socday mudu dhan 27sanadood. Dagaalkaan oo ka dhexeeyay labbo urur ee MPLA iyo UNITA oo dalkaa ka jiray oo xurnimada dalkaa usoo halgamay ayaa wuxuu salka ku hayay xukunka iyo qeyraadka dalka sidoo kale culimada ka hadasha siyaasada iyo arrimaha bulshada waxeey yiraahdaan in Angola ay garoon kubada cagta lagu ciyaaro u aheyd fikradihii

kala duwanaa iyo ururadii kala duwanaa ee aduunyada markaa ugu quwada weeynaa ee NATO IYO WARSAW iyo sidoo kale dalka Portugal oo gumeystay Angola balse dadka Angola ay kaliya dhaxleen dil, dhac , baaba’ iyo Qasaare balse toban sanno kadib Angola waxeey ka dhismeeysaa dhanka amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyada iyo Aqoonta oo waxeey ka mid tahay Angola dalalka soo koraya ee Africa ku yaal sidoo kalana dhoofiya.

2}Dagaalkii sokeeye ee Algeria

Waxuu ahaa dagaal u dhexeeyay kooxo islaamiyiin mucaarad iyo dowlada Algeria wuxuu biloowday sanadkii 1991 oo badanaa dalalka Africa ku jireen ama galayeen mucaaradnimo iyo dagaalo sokeeye sida sierraleone, Liberia, itoobiya balse dagaalkan Algeria wuxuu kaga duwanaa dagaalada kale ee Africa waxuu ahaa mid ku saleysan diin iyo caqiido inkastoo hadana dadka Algeria badankoodu yihiin dad muslimiin ah ilaa 99% hadana dagaalkuu wuxuu galaaftay dad la’eg 150; 000 ilaa 20; 000 iyo sidoo kale dhaqaale iyo qeyraad badan balse dadka Algeria waa ay ka baxeen dagaalkaa sokeeye waxeeyna raadiyeen dawadoodii kadibna waa ay is dabiibeen oo maantana waxeey ka mid yihiin dalalka dhoofiya shidaalka ee la isku yiraahdo Organization of Petroleum Exporting Countries sidoo kalana xaga aqoonta iyo horumarka bulshada waxeey ka mid yihiin dalalka uu aad usoo koraayo.

3} Dagaalkii sokeeye ee Rwanda

Wuxuu dagaalkaa u dhexeeyay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Juvénal Habyarimana iyo mucaaradkii dalkaa ka jiray ee Rwandan Patriotic front wuxuuna salka ku hayay in la qeybsado awooda iyo qeyraadka dalka wuxuu joogsaday kadib markii lagu heshiiyay magaalada caruusha ee dalka Tanzania. Waxaa sidoo kale dagaalku uu sal u ahaa xiisado ka dhexeeyay labbo qowmiyadood oo dagan dalkaa oo kala ahaa Hutu iyo Tutsi oo ugu dambeyntii noqday dagaal ka dhexeeyay labadaa qowmiyadood. Rwanda waxaa ka dhacay xasuuq balaaran oo ka dhacay dalkaa waxaana jiray gacmo shisheeye oo lug ku lahaa dagaalkaa, xasuuqa iyo dhibaatada ka dhalatay dalkaa.Ugu dambeyntii waxaa soo afjaray dagaalkaa guushi RPF ee uu hormuudka u ahaa hogaamiyaha iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo lagu sheege in uu Rwanda ka dhigay dal horay u socda sheekadooduna u noqotay dalalka kale ee Africa in ay ku daydaan Rwanda oo gaartay horumar dhan walba si la mid ah dalaka kale ee sierra Leone iyo Liberia.

Africa oo kaliya ma aha aduunyada meelaha ay dagaaladu ka dhaceen balse waxaa jira dalal kale oo dagaaladu ka dhaceen sida:

> Dagaalkii Sokeeye ee U-S-A

Wuxuu socday dagaalka mudu afar sanadood aheyd 1861-1865 oo u dhexeeyay dadka u dagan dalkaa wuxuuna ka dhashay kadib markii koox ka ka kala timid gobalo ka mid ah dalkaa USA ay ku dhawaaqeen in ay si gooni ah uga go’een dalka mareykanka kadib dowladii waqtigaa jirtay ee madaxweyne Abraham Lincoln uu madaxda ka ahaa waxeey goaansatay in ay la dagaalanto ilaa gooni u goosatkii laga adkaaday oo ay aqbaleen midnimada, wadajirka iyo dowladnimada maraykanka. Maanta waxaa la dhihi karaa in

USA tahay hormuudka dunida haba iska jiraan dhaliilo badan balse waxeey hormuud u yihiin dhamaan horumarka ka jira aduunka dhan walba.

> Dagaalkii sokeeye ee Greece { 1946-1949 }

Dagaalkan ka dhacay Greece wuxuu u dhexeeyay dowlada gariiga oo ay caawinayeen sidoo kalane garabtaagnaayeen dowladaha USA iyo Ingriiska iyo Urur la dhihi jiray Xisbigii shuuciyada ee gariga Greece communist party { GCP} oo ay garabtaagnaayeen pulgaria, yoguslavia iyo Albania dagaalkaa ayaa socday wajigiisii hore snadahii 1942-1944 hadana sidoo kale 1946-1949kii waxuuna dhaliyay qasaare iyo bur bur badan. Waxaa la yiraahdaa waxeey aheyd loolan u dhexeeyay NATO IYO WARSAW oo ka biloowday gariiga sidoo kale waxaa jiray heshiisyo iyo isku dayo in la isku keeno oo ay wada noolaadaan neeftoodana is ogolaato. Gariiga oo ah dal khadiimi ah ayaa dagaalo ka dhaceen si la mid ah dalalka kale ayey ayagana ka baxeen hormuudna u noqdeen dhisida iyo horumarinta midowga yurub.

* Sidee dib loo Horumarinkaraa dibna loogu dhisi karaa dalalku dagaaladu ka dhaceen ?

Dagaaladu kadib in dib loo dhiso lana horumariyo waa marxalad aad u adag oo dhib badan sidoo kalana leh caqabado iyo godad fara badan oo celin kara hor joogsan karana in horay loo socdo oo meesha la hiigsanayo la gaaro sidoo kale ma howl yara mana sahlana in lasoo dhiso dal ay dagaalo, qilaafaad, Isfaham la’aan, is aaminaad la’aan iyo midnimo daro ka dhacday waxeey u baahan tahay waqti badan in la geliyo sidoo kale in maskax, dhaqaale iyo howl weyn la geliyo ayey u baahan tahay. Dalka soomaaliya mushkilado badan ayaa horyaal in dib ku dhis iyo horumarin laga hadlo, la qorsheeyo, lana hergeliyo waxaana ka mid ah qodobada soo socda ee u baahan in la fahmo in qasaare mooyee ayaan faa’ido keeneyn sida Qabyaalada, Cadaalad darada, Jahliga iyo qodobo kale oo aad u badan.

Lix dhinac ayaa la dhihi karaa waa ay ka horumari karaan kana dhismi karaan dalalka dagaaladu ka dhaceen oo kala ah:-

1} Dhisida Nabada iyo amniga {Peace & Security Building}

Nabada iyo amniga waxa ay aas aas iyo har u yihiin jiritaanka soo noqoshada, soo bidhaamida iyo soo dhisanka dal dagaaladu aafeeyeen. Dowlad kaliya ma soo celin karto nabad iyo amaan balse waxey u baahan tahay in bulshadana ka qeyb qaataan dhisida nabada iyo amniga si midnimo iyo jaceyl ku jirto waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in heya’daha nabada iyo amniga la xoojiyo sida saldhigyada booliska, ciidamada booliska iyo sidoo kale in laga shaqeeyo maxkamadaha iyo heya’daha cadaalada. Nin qubar ah oo ka hadla waxna ka qora culuunta dhisida nabada & xalinta khilaafaadka oo la yiraahdo John Galtung ayaa waxa ku taliyaa in nabada ku soo noqon karto laguna dhisi karo dhowr sheey oo ay ka mid yihiin hub ka dhigista maleeyshiyaadka, dhaqan celinta dadkii ama dhalinyaradi ka qeyb qaadatay dagaalada iyo bulshada ay ku noolaayeen, in bulshadu wada hadasho iyo in la horumariyo bulshada rayidka ah.

2} Horumarinta waxbarashada

Horumarinta waxbarashadu waxey muhiim u tahay dal dagaalada ka soo baxay oo muddo badan ka oodnaa horumarka iyo koboca tacliinta aduunku gaaray mudadii uu dalkaa mugdigu ku jiray oo dhan. Dalka soomaaliya xaga waxbarashada waxuu u baahan yahay in la mideeyo manhajka waxbarasho iyo in sidoo kale la sooceliyo qawaaniintii iyo sharciyadii wazaarada waxbarashada waxaa kale oo intaa dheer in oo muhiim ah la xoojiyo tayada waxbarashada jaamacadaha iyo la xadido jaamacada soo badanaya oo u ekaanaya ganacsi iyo qaab NGO aha ama qaab qabiileed waxaana ka wanaagsan meeshii magaalo yar ey lahaan laheyd dhowr jaamacadood oon aan tayo laheyn in ay yeelato machadyo tababaro iyo shahaadooyin micne leh bixiyo.

3}Horumarinta Dhaqaalaha .

Hadii nabad la helo waxaa sahlan in la horumariyo dhaqaalaha dal sidoo kale in la uruuriyo macluumaad iyo in la sameeyo daraasadooyin la xiriira ajandayaasha ganacsiga, waxsoosaarka, siyaasada, tamarta, kaabe yaasha dhaqaalaha iyo hogaamiyeyaasha bulshadu goaan waxtar iyo qiime leh ka gaaraan. Waxaa sidoo kale loo baahan karaa qorsheyaal iyo farsamooyin lagu horumariyo dhaqaalaha iyo hanaanka maaliyadeed ee dal sida soomaaliya oo kale ah waxaana muhiim ah in bangiga dhexe ee dalka la xoojiyo awoodna loo siiyo in uu noqdo bangiga bunuugta oo dhan iyo sidoo kale in la sameeyo dhamaan noocyada iyo qeybaha kala duwan ee lacagta shilin somaliga ah Waxaana muhiim ah in si xikmadeysan loo soo dhaweeyo maalgelinta iyo shirakaadka caalamiga ah ee aduunka ka jira.

4} Horumarinta Caafimaadka

Waxuu sidoo kale door weyn ka ciyaara in guul laga keeno dib u dhiska iyo qorshaha horumarineed ee la rabo wuxuuna mudan yahay in goleyaal iyo qubaro aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh loo xilsaaro si baaritaano iyo hergelin adeegyo caafimaad oo tayo leh uga hergeliyaan dhamaan dalka oo idil.

5} Arimaha Bulshada

Dhanka soomaaliya Dhibaatooyinka bulshada ee mudan in laga hadlo waxaa ugu waaweyn Qaadka, Qabyaalada, Tahriibka,Furiinka iyo kuwo kale oo badan oo u baahan in si cilmiyeysan wax looga yiraahdo iyo in wax laga qabto dhanka bulshada iyo sidoo kale dhanka maamulka dowladeed waxaa sidoo kale jiri kara dhibaatooyin kale oo badan balse intaas aan kor ku sheegnay ayaa ugu waaweyn sidoo kalana mudan in gacmo mid ah ay wax ka qabtaan. Waxaa intaas dheer arrimaha deegaanka oo ayagana mudan in wax laga qabto tusaale ahaan jarida dhirta IWM.

6} Arrimaha Diinta

Sida aadanaha oo idil uu ugu baahan yahay in uu u neefsado ama hawo qaato sidaa si la mid ah ayey diintuna muhiim ugu tahay jiritaanka, soo dhistanka iyo horumar ay

bulshadu gaarto. Kaliya ma aha in bulshada laga dhiso dhinacyada horumarineed ee dhaqaalaha, aqoonta iyo wixii la hal maala balse Diintu waxeey jirid u tahay ay ka koraan waxyaabahaa kaaba horumarinta bulsho iyo mid dowladeed intaba . Waxaa kale oo maanka iyo madaxa in lagu haayo mudan in aduunyadu iyo joogitaankeedu tahay inyar balse ay jirto aakhiro oo in loo sad qaato mudan.

> Doorka Hogaamiyaha Wanaagsani & Horumarka ?

Hogaaminta ayaa lagu qeexaa siyaabo kala duwan waxaa sidoo kale lagu macneeyaa siyaabo kala duwan balse hogaamintu Waa hilin, soo jiidasho, hogaaminta waxeey ka dhex dhacdaa koox yar mid weyn ama dal, sidoo kale hogaamintu waxeey la xiriirtaa sidii loo gaari lahaa yoolka. Hogaamintu waa amaano waa masuuliyad adag waa balanqaad mustaqbalka la iskula xisaabtami doono.

Hogaamiyaha wanaagsani waxuu qeyb muhiim ah ku leeyahay horumarinta iyo dhisida dal sidoo kale hogaamintu waa awood lagu odoroso mustaqbalka, dababdeedna lagu soo bandhigo wadadii la qaadi lahaa si loo gaaro mustaqbalkaa. Hogaamiyaha in uu keeno guul iyo rayn rayn waxeey waxeey u baahan tahay waqti badan oo mudan in la sugo. Hogaamiyaha wanaagsani waxuu furre u yahay dalka iyo dadka in ay guuleystaan halka hogaamiyaha xumina marin habaabiyo ummada iyo danahooda.

Si soomaaliya uga baxdo waxii ay soo martay waxeey u baahan tahay hogaamiye leh shantaan tayo ee soo socota waxaana wanaagsan in laga fiiriyo hogaanka cusub ee soomaaliyeed Xasan sh. Maxamuud dhamaan lixdaan tayo iyo kuwo kaleba:-

1} Hiraal {Vision}

Hiraalku waa qodob u aasaas ah hogaamiyaha waxuuna sheegaa meesha uu u wado umada uu hogaanka u yahay iyo dhamaan hanaanka iyo tabta loo baahan yahay in lagu gaaro yoolkaa.

2} Awood & Xamaasad

Sidoo kale Awooda uu go’aan ku gaari karo wax ku diidi karo kuna ogolaan karo waa in uu lahaadaa hogaamiyaha taa oo ku xiran heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee uu hogaamiyahu leeyahay. Hogaamiyaha xamaasadeeysan wuxuu niyad geliyaa shacabka waxna waa laga qaban howlaha hor yaal hadii uu adeegsado xamaasad iyo awood intaba.

3} Dareen fiican u leh dadka uu hogaamiyo

Waa Qasab in hogaamiyuhu dareen iyo dadnimo fiican u yeeshaa dadka uu hogaamiyo oo dantiisa shaqsiga ah ka hor mariyaa tan dadka uu hogaamiyo sidoo kale waa in uu si wanaagsan u yaqaan dadka oo uu ka ilaaliyo waxyaabaha dhibi kara sida nin jecleysiga iyo masuqmaasuqa.

4} Degenaan & Kalsooni

Waa in uu yahay qof dagan oo si qoto dheer ula socda aduunka ku xeeran iyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo dadyoowga kale. Sidoo kale Kalsoonida waxeey abuurtaa wadooyin lagu xalin karo dhibaatooyinka soo booda iyo in hogaamiyaha la adeeco amaradiisa.

5} Sharaf & Firfircooni

Sharaftu waxeey kor u qaadaa in hogaamiyaha noqdo mid la adeeco hadaladiisa iyo amaradiisana loo hogaansamo sidoo kale hogaamiyaha leh firfircooni wuxuu si karti iyo maskax furnaan ku jirto uga soo baxaa howlaha loo igmaday oo idil tusaale ahaan Raisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Dr- Mahathir oo dhamaan Laga heli karo qodobadaan wuxuu ahaa hogaamiye burji leh sidoo kale firfircoon, deggen, sharaf iyo kalsoonina leh.

Gabogabo

Waxaan rabaa in aan ku soo gabogabeeyo Maahmaah soomaaliyeed oo qadiimi ah oo micne weyn ku fadhida fahamkeeduna faa’ido ugu jirto shaqsi walba oo soomaali ah. Maahmaahdu waa ereyo yar oo isku xiran oo kooban oo micne weyn ku fadhiya badanaa waxeey kasoo burqadaan maskax caafimaad qabta oo waayo badan usoo joogtay Maahmaahdan oo ka mid ah dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomalida oo dhan lahaayeen ayaa leh : “ Ragii hore waxeey ka irimin jireen sadex waxyaabood”

1} Wixii tagay ka haridii 2} Waxa jooga ka hadalkii & 3} Waxa soo socda ka haloogsigii.

W/Q: Ahmed Mohamed Rooble

Waa arday jaamacadeed, Qoraa & Cilmi bare Madaxbanaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!