Dibadbax dhimasho sababay oo ka dhacay degmada Guri-ceel

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Guri-ceel :HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dibadbax halkaa ka dhacay ay ku dhinteen labo ruux oo dhalinyarro ah.

Labada ruux ee geeriyootay ayaa kala ahaa wiil iyo gabar dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa dhigayay, iyadoo xubno ka tirsan maamulka degmadaas ay sheegeen inay hadda xaaladdu tahay mid deggen.

“Dibadbax ay dhigayeen dad dhallinyaro ah ayaa ka dhacay degmada, laba qof oo wiil iyo gabar ahaa ayaana ku dhintay, dhowr kalena dhaawacyo aan weynayn ayaa soo gaaray,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmadaas, Cali Baashi oo la hadlay warbaahinta.

Wararka ayaa intaa ku darray in markii mudaaharaadku uu degmada ka billowday ay ciidamada degmadaas ku suganDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud billaabeen inay rasaas kala duwan furaan, taasoo sababatay dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah.

Wararka ayaa intaas raaciyay in dibadbaxyaashu ay xarunta degmadaas u galeen gudaha ayna jajabiyeen dhammaan qalabkii xafiisyada ee halkaas yaallay, taasoo keentay sida la sheegay inay ciidanku xabado ku jawaabaan.

Maamulka ayaa ku eedeeyay inay dibadbaxan soo abaabuleen ciidamadii laga saaray degmadaas bishii lasoo dhaafay ee December, kuwaasoo hadda ku sugan deegaan 60-km u jira degmada Guriceel.

Si kastaba ha ahaatee, degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda Somalia ee gobolkaas ku sugan, kaddib markii ay si nabad-galyo ah kula wareegeen degmadaas oo xoogaggii Ahlusunna ay isaga baxeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!