Dibadbax lagu taageerayay maamulka gobolka Hiiraan oo ka dhacay Beledweyne

by admin | Thursday, Sep 18, 2014

Beledweyne : HN :– Dibadabx lagu taageerayay maamulka gobolka Hiiraan iyo qorshaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexeayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dibadbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeyb-galay boqollaal qof oo isugu jiray dhallinyaro, haween, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Xaaji Xasan Kulmiye Waasuge oo ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay inay taageerayaan qorshaha maamul u sameynta labada gobol, oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaji Xasan ayaa uga digay dowladda inay gobolka u soo magacowdo shakhsiyaad aanan ku imaan rabitaanka dadweynaha gobolka.DCIM100MEDIA

Nabadoon ayaa ugu baaqay dowladda inay shacabka ku dhaqan gobollada maamulka loo sameynayo u madax-banneyso inay ka tashadaan aayahooda, isagoo dhinaca kale muujiyay inay oggol yihiin in maamul loo dhan yahay loo sameeyo labada gobol.

Dibadbaxan ayaa imanaya xili dowladda Soomaaliya la sheegay in guddi u saartay ka soo talla-bixinta sidda loo waafajinayo gobolka Hiiraan dhismaha nidaamka federaaliisam-ka iyaga oo wadda tashi la yeellanaya bulshada gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!