Dibadbax looga soo horjeedo doorashada madaxweynaha M -K-galbeed oo ka socda Baydhabo

by admin | Monday, Nov 17, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo doorashada la fillaya in maanta ergada maamulka saddexda gobol ku doortaan madaxweynaha, xiligan uu ka soconayo magaalada.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinaya halku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah xubnaha qaar ee musharaxiinta, waxaana dadweynaha dibad baxaya ay taageersan yihiin Maamulka Lixda Gobol ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow.

Ciidamada AMISOM iyo ciidamo ka tirsan booliska ayaa sugaya ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka, waxaana lagu wadaa in goor dhow ay bilaabato doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee saddexda Gobol.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu cad cad xubnaha u taagan doorashada, waxaana ay u badan tahay in loo dooranayobay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed, iyadoo ugu badnaan ergooyinka ay taageersan yihiin Shariif Xasan.

War saxaafadeed saaka ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa waxaa uu ku qaadacay doorashada, waxaana uu cadeeyay in aanay dowladdu aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada.

Magaalada Baydhabo ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay waxaa ka jiray qalalaaso siyaasadeed, iyadoo halkaas lagu doortay labo maamul oo iska soo horjeeda, kaasoo ugu dambeyn dowladdu aqoonsatay Maamulka saddexda Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!