Dibadbax looga soo horjeedo magacaabista guddiga farsamada oo ka dhacay Beledweyne”Sawirro”

by admin | Saturday, Oct 31, 2015

Beledweyne : HN :–Dibadbax looga soo horjeedo magacaabista guddiga farsamada Maamul u sameeynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Banaanbax ayaa waxaa ka qeyb galay odayasha dhaqanka Waxgaradka Gobolka dhalinyaro Haween Siyaasiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku dhaqan Magaalada Baladweyne.

Bananbax-Baladweyne-Hiiraanxog-4Dibabaxayasha ayaa Gubay Sawiirka Wasiirka Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo ay ku eedeyn in uu   iska horkeenayo Bulshada ku dhaqan Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe kadib markii uu magacabay guddi ka kooban 14 Xubnood kuwaas ay sheegeen in ay ku jiran dad aan degin labada Gobol halka sido kalan la sheegay in laga tagay Beelo dega Gobolka kuwaaso aan ku jirin Xubanaha Guddiga Farsamada Maamul Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Ugu dambeyntii Siyaasiinta iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Wasiirada iyo Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay yimada Magaalada Baladweyne si looga tashado Aayaha Gobolka Hiiraan waxan ay sheeagen in ay ka laaban doonaan isku darka Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe islamarkana ay Dadka Reer Hiiraan ay sameeysan doonaan Maamul u gaar ah   Gobolka Hiiraan.

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

plu2plu2

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!