Dibadbax looga soo horjeedo weerarkii Gaarisa oo ka dhacay xaafada Islii

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Nairobi : HN :– Dad-weyne isaga kala yimid xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii iyo guud ahaan magaalada Nairobi inteeda kale ayaa mudahaaraad looga soo horjeedo weerarkii khamiistii aynu soo dhaafnay lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, ayaa ayaa ka dhigay wadooyinka xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi.

Dadweynaha Banaanbaxa dhigaayay, ayaa waxey wateen boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan weerarkaas, waxeyna sidoo kale ku dhawaaqayeen in aynan taageersaneyn weeararkii lagu laayay dhalinyaradii wax ka baraneysay jaamacada Magaalada Gaarisa.

Banaanbaxaas oo sidoo kale ay qeyb galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta xaafadda Islii, Ganacsato, Culumo’awdiin iyo waliba dad kalasecu Diimo ah balse wada dagan xaafadaas, ayaa wuxuu ahaa mid lagu cambaareynaayay falkii Ururka Al Shabaab uu ku weeraray 2-dii bishaan Jaamacada weyn ee magaalada Gaarisa.

Masuuliyiintii ka qeyb galay Mudaharaadkaas oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Golaha Deegaanka ee Waqooyiga Eastleigh Cusmaan Cadoow Ibraahim, Guddoomiyaha nabada-galyada Xaafada Eastleigh Ahmed Mohamed (Ahmed Security) iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore Guddiga Ganacsatada Islii Hussein Mohamed Aar, ayaa dhamaantood waxey tacsi u direen dadkii eheladoodu ay ku geeriyoodeen weerarkaas, waxeyna cambaareyeen falkaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid waxuushnimo ah.

Sidoo kale, banaanbaxa ayaa imaanaayo ayadoo khamiistii aynu soo dhaafnay uu Ururka Al Shabaab weerar ku qaaday Jaamacadii kaliya ee ay laheyd Magaalada Gaarisa, isla markaasna ay weerarkaas ku dhinteen dad ku dhawaad 150 qof oo arday u badnaa, halka ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee xaafada Islii oo ay Soomaali badan ka dagan yihiin Magaalada Nairobi, Ganacsiyo kala duwana ay ku leeyihiin, ayaa iyaduna waxey dhibaatooyin kala kulantaa weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha wadanka Kenya. Inta badan marka ay dhacaan weeraradaas waxaa lagu arkaa xaafada Islii ciidamo fara badan oo dad ka qab-qabanaayo gudaha xaafadaas isla markaasna xiraayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!