Dibadbax loooga soo horjeedo ciidammada Jabuuti oo maanta ka dhacay Beledweyne

by admin | Sunday, Oct 19, 2014

DCIM100MEDIABeledweyne : HN :– Dibadbax kii ugu ballaarnaa oo wayadii ugu danbeeyay ka dhacy magaalada Beledweyne ayeey isugu soo baxeen dadweyne careysay oo ka soo horjeeda ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada ayaa saakay la sheegay in ay ku weerareen deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Hiiraan dad rayid ah oo qaarkoodna ay dhaawaceen, siddoo kalana kuwa kale soo xir xireen, taasoo keentay in uu dhaco isku soo bax abaabulan oo ay ka qeyb-galleen dadweyne careysan oo ka kala yimid xaafaddaha magaalada.

Dariiqyada oo dhan ayaa la xirray, waxaana la arkayay is-gooysyada magaalada oo dadka dibadbaxaya ay ku shidayeen tayaaro, iyaga oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah ciidamada Jabuuti.

DCIM100MEDIAIntii uu dibadbaxa socday siddoo kale waxaa ay mar kale ciidamada dhaawaceen labo haween ah oo la sheegay in ay ku hor dibadbaxeen xeryaha ciidamada Jabuuti ay degan yihiin taasoo sii kordhisay carada dadweynaha.

Dadka ayaa ku eedeeyay ciidamada Jabuuti in ay qeyb ka yihiin dagaalada ka soconaya deegaannka Deefoow, iyaga oo la saftay sidda dadweynuhu kuu sheegayaan garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda.

Galinkii danbe ee maanta ayaa waxaa dib u soo laabtay adeegii dadweynaha magaalada oo saacadihii hore ee maanta oo idil hakad ku jiray.

DCIM100MEDIADCIM100MEDIADCIM100MEDIAHiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!