Diblumaasi Soomaaliyeed oo ku geeriyooday magaalada London

by admin | Sunday, Oct 5, 2014

Maxamed-CusmaanLondon :HN :–Diblumaasi Soomaaliyeed oo rug cadaa ah danjire Max’ed Cismaan Cumar xilal kala duwanna  ka soo qabtay dowladda dhexe ee militariga aheyd, ayaa shalay ku geeriyooday magaalada London.

Maydka dajiraha ayaa laga helay gurigiisa shalay oo Sabti ahayd, xilli la isku diyaarinayay maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa, inkastoo aan la ogeyn sabab uu u dhintay, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in loo maleynayo in uu wadnuhu istaagay.

Allaha u naxariistee, danjiraha ayaa agaasimaha hab-maamuuska ka soo noqday wasaaradii arrimaha dibadda Somalia sanadkii 1972. Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay wasaaraddii warfaafinta ee Soomaaliya intii u dhexeysay sannadihii 1962-kii illaa 1967, isagoo xilligaas ka mid ahaa wariyeyaashii wargeyskii Afka Talyaaniga kusoo bixi jiray ee [Il Corriere della Somalia], wuxuu kaloo kasoo shaqeeyay wakaaladdi wararka Somalia ee SONNA.

Danjiraha ayaa muddo fog ahaa danjire uga soo noqday Soomaaliya dalal ay ka mid yihiin; Hindiya, Shiinaha, Sri-Lanka, Singapore, Yugoslavia, Sudan iyo kuwo kale, isagoo tan iyo burburkii ku noolaa dalka Britain.

Sidoo kale, marxuumka ayaa wuxuu ahaa qoraa, wuxuuna qoray buugaag badan oo kusoo baxay luuqadda Ingiriiska.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!