Difaaca Nabigaana Suuban waa ku Waajib Muslimiinta Q: 1aad. WQ: Sh Calinur Xoogsade

by Yahye | Monday, Oct 8, 2012

Waxaa murugo badan waayahay Muslimiinta Caalamka ku noqotay inay maqlaan ama aqriyaan ama arkaan Muuqalo aad u fool xun oo lagu aflagaadaynayo Diinta Islaamka ayadoo si toos ah loo begsanayo Nabi Muxammad Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee arintaas oo ah mid soo noqnoqatay Sanadihii u dambeeyay lagasoo Bilaabo Kartoono Denmark lagu sameeyay ilaa Maanta ay tagan tahay Filim lagu beegsanayo Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee aflagaadana ah la sameeyay.

Waa murugo iyo Naxdin in Iftiinkii Caalamka iyo Nuurkii Raxmada inay Dad isku dayayaan inay afkooda iyo Qalinkooda ku damiyaan, laakiin waxaa is weydiin mudan maxay tahay sababta ku kaliftay ama Carada intaas la eg maxay ugu hayaan Nabi Muxamad Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee?

Waxaase isweydiin mudan maxay u beegsan waayeen waxna uga sheegi waayeen Dakii Caalamka soo maray ee Taariikhda madaw ka galay sida Fircoon iyo gacan yarihiisii Haamaan oo dhamayn jiray Raga Israaiiliyiinta ah, Caruurta iyo Dumarkana Adoonsan jiray? Maxayse wax uga sheegi waayeen Abuu Jahal oo Dulmi iyo Xadgudub kula noolaa Maatadii Musliiinta?

Maxayse wax uga sheegi waayeen kuwii Masiixiyiintii Isbain ku gumaaday Dad fara badan inay Muslimiin yihin darted, ama kuwii Isbanishka ahaa ee Qaarada Ameerika ku Gumaaday Quruumihii ku noolaa halkaas ee Soomalida Cali-beestewenka u taqaan hadii ay yihiin kuwa ka dhiidshinaya Gaf iyo Gabood fal Caalamka horay uga dhacay?

Hadii Dadkan aflagaadaynta sameeynayaa yihiin kuwa xumaan diid ah maxaysan uga hadal Gumaadka iyo Gaboodfalka Israaiiliyiinta u gaysanayaan Muslimiinta Falastiin, maxaysana uga Hadal Gumaadka lagu hayo Muslimiinta Borma iyo Hindiya ama aysan uga hadlin Gumaadkii Boosniyiinta Muslimiinta ahaa loo geestay Caalamka oo daawanaya?

Nabi Muxammad Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee cidna waxba uma dhimin kuwaan aflagaadaynayana weligood isma arag, hasae yeeshee waxaa muuqata waxa loo beegsanayo Shaqsigiisa in ula jeedadu tahay Magaanan iyo Dagaal bareer ah oo lala maagan yahay Diinka Islaamka maadama Islaamku gaaray inuu ku dhex faafay Guud ahaan Caalamka gaar ahaan Wadamadii Kirishtaanka ahaan jiray si la yaab badan oo xad dhaaf ah taasoo muujinaysa Islaamku inuu yahay Diin Xaq ah islamrkaana soo jiita Dadka Xaq doonka ee nolosha wanaagsan doonaya sida Biyaha Macaan usoo jiitaan Ruuxa Haraadsan ee baadi goob ugu jiray helitaanka Biyo uu ku noolaado naftiisana ku badbaadiyo.

Sidaa darteed ayaa Caalamka waxaa ka kacay kooxo aad uga naxsan kororka Islaamka iyo sida uu hana qaadayo wadamo aan aad looga aqoon 50kii sano ee lasoo dhaafay taasoo keentay inay dhismaan Ururo Islaamka Dadka ku cabsiiya si ay uga cararsiiyaan waxayna bilaabeen inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo lid ku ah Diinta Islaamka, sida inay sameeyaan Filimaan ama sawiraan kartoono ama Qoraan Jaraaido ka digaaya faafitaanka Islaamka ee dagdaga ah.

Waxyaabaha ay sameeyeen waxaa kaloo ka mid ah Tirikoobyo ay ku soo bandhigayaan kororka Muslimiinta ee Wadamada Yurub iyo Labada Ameeriko, ayagoo aad uga murugsan kana naxsan Towxiidka ka hana qaadaya wadamadii Kirishtaanka ahaan jiray si ay u cabsiiyaan dadkooda una horjoogsadaan Iftiinka Islaamka ayaa waxay soo saareen Tirokoobyadaan soo socda oo ay ku muujianyaan faafitaanka Islaamnka.

Wadanka Ingiriiska waxa ay Tirada Muslimiinta ahaan jirtay 30 sano ka hor 82 kun halka ay hada ka sareeyo 2.5 Milyan taasoo muujinaysa inuu ku jibaarmo 30 jeer in la eg koror ah, waxaa ka dhisan Wadanakaas in ka badan 1000 Masjid, ayadoo weliba Masaajidaas badankood markoodii hore ay ahaan jireen Kaniisado.

Faransa Tirada Muslimiinta ee 20 ka Sano yar waxaa la sheegaa inay gaarayso 30% marka loo eego Tirada guud ee dhalinyarada Wadankaas ayadoo weliba lasii saalaadaalinayo ilaa Sanadka 2027m ay gaari karto Tirada Muslimiinta Dhalinyarada ah 45% taasoo macnaheedu yahay 5 qeybood meel marka loo qeybiyo tirado guud ee Dadka wadankaas.

Wadanka Holand Caruurta ku dhalanaysa waxaa la sheegaa 50% inay Muslimiin yihiin taasoo macnaheedu yahay in ka yar 15 sano gudaheed in ay Muslimiinta gaari doonaan 50% Dadka Wadaankaas u dhashay.

Wadanka Ruusha Tirada Muslimiinta ayaa la sheegaa inay ugu yaraan tahay 23 Milyan taasoo macnaheedu yahay 5% inay Muslimiin yihiin Dadka Ruushanka, waxaana la sii saadaaliyaa in Tirada Ciidamada Muslimiinta ah ee Ruushanka ay gaari doonaan Sanadaha dhaw gudahood ilaa 40%, waxaana weliba Jaraaidka uga Caansan wadankaas Qaarkood Sanadkii 2008mbishii May saadaaliyeen in Islaamku noqon doono Diinka koowaad ee Wadanka Ruushka marka la gaaro 2050m.

Wadanka Bilgim Tirada Muslimiinta waa 25% Dadka wadanka daga, halka tirada Caruurta dhalatana 50% ay Muslimiin yihiin, taasoo muujinaysa in isbadal aad u dag adag uu ku imaan doono Korarka Muslimiinta ee Wadankaas.

Wadanka Jarmalka ayaa ah wadan aad uga walwalsan Kororka Tirada Muslimiinta Wadankaas xili ay sii yaraanayaan korarka Tirada Dadka aan Muslimiinta aheyn ee Jarmalka u dhasahay, arintaasoo sababtay inay ka sii digaan marka la gaaro 2050mWadanka Jarmalka inuu noqon doono Wadan Muslim ah.

Sidoo kalana Midawga yurub waxa ay faafifiyeen Warbixino sheeegaya in Dadka u dhashay Yurubta galbeed Sadax u dhig qeyb ay Muslimiin noqon doonaan Caruurta dhalanaysa ilaa 2025 waa in ka yar 13 sano ka dib.

Waxaana Tirakoobyadii ugu Dambeeyay Tirada guud ee Muslimiinta Yurub gaaraysaa 52 Milyan ayadoo Wadanka Jarmalkana ay sii saadaaaliyaan inuu cadadkaas gaari doono 104 Milyan Sanada nagasoo foolka leh gudahood.

Wadanka Kanada oo ah wadamada ugu walbaharka badan marka laga hadlayo Kororka Tirada Muslimiinta waxa ay sheegeen in Wadankaas 2000-2001 Tiradiisa guud ku korartay la eg tahay 1.6 ayadoo ay 1.2 ka mid ah Korarkaas y Muslimiin yihiin.

 

Wadanka Maraykanka Muslimiinta tiro ahaan ahaan jiray Sanadkii 1970m tira la eg 100 kun ayaa hada dhaafay 50 Mailyan, intaas waxaa sii dheer in TVga loo yaqaan ABC uu sheegay in Sanad kasta ay Muslimaan 20.000 qof oo Maraykan ah, weliba waxa uu sheegay TVgaas in 25% Muslimiinta Maraykanku yihiin Muslimiinta Cusub ee Kirinshtaanka awal ahaan jiray.

Waxaana Warbixinadii ugu Dambeeyay ee Kaniisada Katooligana Ictiraaftay lagu qoray in tirada Muslimiinta Caalamka ay ka badan tahay Tirada Kirishtaanka Katooliga Caalamka oo dhan taasaoo ayadana ah arin kale oo sii xoojinaysa Carada iyo Walaaca ay qanbaan kooxaha Cunsuriyiinta ee wadamadaas u dhashay.

Hadii aan wax ka Tilmaamo wadanka Masar Masiixiyiintii daganaa ayaa aad uga Caacalaya hoos u dhac xaga tirada ah oo ku yimaada sanad walba, ayagoo door biday inay Islaamaan arintaasoo sababtay Masiixiiyiinta xag jirka ah inay ku qaylo dhaamiyaan in ay Masiixiyiinta ka dabar go’i doonaan Wadanka Masar 100ka sano ee soo socota gudaheed.

Waxaana si qayaxan uga hadlay arinta ku saabsan hoos dhaca xaga tirade ah eek u socda Masiixiyadii Masar Baadari Caan ka ah Dalka Masar oo la Yiraahdo Maasimooska Koowaad: asagoo sheegay in ay Muslimayaan Masiixiyiinta Masar Sanad walbaa tiro gaareyso 50kun qof 33dii sano ee lasoo dhaafayba mar uu wareysanayay Wariyaha caanka ah ee Aljaziira Axmad Mansuur.

Hadaba qofkii aqriya ee u kuurgala Tirikoobyada ay sameeyeen dadkaaas ayagoo ka walaacsan Kororka Muslimiinta waxay muujinaysaa in ulajeedadoodu aysan aheyn inay Muslimiinta ka Farxiyaan ugana bishaareeyaan Horumarka Dacwada Islaamka samaysay;  hase yeeshee  waxa ay ula jeedadooda aheyd inay sameeyaan dadaalo lagu doonayo in la joojiyo Faafitaantanka Dacwada Diinta Islaamka waxaana muuqata arintaas inay sababtay Dacaayadaha iyo Filimada xunxun ayagoo ka cabsi qaba inuu soo dagdago isbadal Xaga Diiinta ah oo ku yimaada Wadamadii Masiixiyada ahaan jiray ee Caalamka guud ahaan gaar ahaana Yurub iyo Labada Ameerika.

Marka waxaan dhihi karnaa arinta Koowaad ee ku kalifay Aflagaadada iyo Dacaayada waa Carada ay ka qabaan Kororkaas iyo Iftiinka Caalamka kusii baahaya, sidaas awgeed ayay Masiixiyiinta kuwa Xagjirka ah iyo kooxaha Cunsuriyiinta ah dan bideen Aflaado iyo Dacaayad loo geesto Diinka Islaamka, ayagoo mar  beegsanaya Nabigii Raxmada Nabi Muxammad  Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeele, Marna beegsanaya Quraanka Kariimka ah barakadiisa Caalamka ha gaartee, marna tirtirinaya qaladaad ay Dadka Muslimiinta qaar ku arkaan ayagoo ka dhigaya inuuba Islaamku faray Xumaanta si  ay Dadka aan Muslimka aheyn u nacsiiyaan Diinka Islaamka ama Muslimiinta aan Cilmiga laheyn shaki ugu beeraan si ay Diinka Islaamka uga saaraan.

Waxaanan inshaa Allaah soo gudbin doonaa Maalmaha soo socda Qeybo kale oo qormadaan ka mid ah kuwaasoo aan ku faahfaahin doono Naqdinta Shubahaadkooda iyo Sharafta iyo Karaamada uu leeyahay Nabigeena Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allha yeelee islamarkaana kusoo bandhigi doono Qeybaha dambe ee Qormooyinkaan Islaamka waxa uu kaga badalan yahay Diimaha kale iyo sababaha kalifay inay Dadka Caalamka aad u qaataan Diinta Islaamka maadaama dadka aflagaadada geysanaya arintaas ka caraysan yihiin.

 

W/Q: Sh Calinur Xoogsade

asadx@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!