Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay

by admin | Tuesday, Dec 30, 2014

Muqdisho : HN :– Dilal isugu jira kuwa ay geysteen ciidamada dowladda iyo dabley aan la aqoon, ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay siyaabo kala duwan uga dhaceen magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa xalay Xaafada Suuq Bacaad ku dilay Ganacsade laga yaqaanay xaafadahaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Warshiikh.

Wararka ayaa sheegaya in xiliga la dilayay ganacsadahan ay la socotay xaaskiisa, waxaana dilka lagu eedeynayaa inay ka dambeeyeen Ilaalada Gudoomiye kuxigeenka degmada Yaaqshiid, balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Gudoomiye kuxigeenka.

Kooxo Hubeysan ayaa saakay Gabar ka baxday mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ku dilay degmada Dharkeenleymuqdisho (1), waxaana la sheegay in gabadhan ay u shaqeyneysay mid ka mid ah Bankiyada ku yaala Muqdisho.

Gabadha la dilay ayaa magacaabi jiray Maryan Axmed Boote, waxaana ay horay uga baxday jaamacada Palasma, iyadoo ka qalin jebisay Kuliyada Computer Computer Scientist, iyadoo kooxaha hubeysna ee dilka geystay ay baxsadeen, kuwaasoo mooto ku baxsaday.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa xaafada Suuq Bacaad saakay ku dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Yaaqshiid, kaasoo la sheegay inuu ahaa Xoghayaha Laanta Suuq Bacaad, ninkan ayaa lagu magacaabayay Axmed Maxamed Goobe, waxaana toogtay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo baxsaday.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa waxaa uu maanta barqadii ku dilay agagaarka Sey Biyaano nin darawal ahaa, waxaana la sheegay in askariga dilka geystay uu baxsaday.

Dilalkan saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda, mana jirto cid loo soo qabtay, waxaana dilalka ay qeyb ka yihiin dilalka ka dhaca caasimada Soomaaliya.

 

 Hiiran Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!