Dilkii Wariye Mahad Cali Max’ed oo la cambaareeyay

by wadani | Tuesday, Nov 8, 2016

Muqdisho : HN :-Hay’ada u dooda xaquuqda saxafiyiinta ee caalamiga ah ee IFJ ayaa cambaareysay dilkii loo geystay wariye Mahad Cali Maxamed.

Wariye Mahad ayaa xabad wiifto ah ay ku dhacday gudaha magaalada Gaalkacyo oo indhawaaleba ay colaadi ka taagneyd. Ururka qaran ee saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa xaqiijiyay in Wariye Mahad ay xabadaasi dhaawac halis ah u geystay kadibna uu dhaawacaa u geeriyooday.

Wariye Mahad  wuxuu u shaqeyn jiray Radio Codka Mudug (Voice of Mudug Radio) waxaana xabadu uga dhacday madaxa.

Waxaa loola cararay isbitaalka Gaalkacyo kadib markii uu dhaawacmay Axadii halkaa oo uu dhaawicii ugu geeriyooday.

In dhawaaleba waxaa dagaalo soo noqnoqonaayay ay ka dhacayeen magaaladaasi Gaalkacyo. Waxaa jirtay xabad joojin kumeel gaar ah oo shalay lagu dhawaaqay.

Si kastaba ha ahaatee, saaka ayaa dagaal uu mar kale ka qarxay Gaalkacyo ayadoo uu ku bilowday madaafiic kadibna rasaas ay isweydaarsanayeen labada ciidan ee Puntland iyo Galmudug.

Ugu  danbeyntii, wali  lama xaqiijin khasaaraha dagaalkii maanta ka dhashay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!