Diyaarad duulimaad toos ah ka bilaawaday bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya

by Somali | Wednesday, Dec 5, 2012 | 30 views

Baladweyne : HN :  Waxaa duulimaad toos ah ka bilaawday gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya shirkad lagu magacaabo Horn of Afric Airline oo si joogta ah u tagi doonta  degmooyinka Baladweyne, Kismaayo, iyo Baydhabo oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta shirkada ay sheegay in diyaaradu ay duulimaadyo joogto ah ku tagi doonto maalin kasta degmooyinkii kol hore lagala wareegay Al-shabaab ee Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka maanta waxaa soo caga dhigtay diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo garoonka diyaaradaha magaalada ka qaaday rakaabkii ugu horeeyay ee ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay ka war hayaan duulimiyaadyada shirkada, siweynna u soo dhaweynayaan, iyaga oo sheegay in ay wax badan ka dari doonto arinta isku socodka dadka si nabad-galyo ah waliba.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay in diyaarad toos ah ay soo caga-dhigto magaalada Baladweyne madaama caqabado badan ay ka jiraan dhinaca wadada haddii ay ahaan laheyd xaaladaha nabad-galyada iyo waliba bur burka xoogan ee ku dhacay wadada mudada dheer ee dowlad la’aanta ah, taasoo ay qasab tahay in aad magaalada Muqdisho u sii safarto wax ka badan labo maalmood.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!