Diyaarad Qaxooti Soomaaliyeed ka soo qaaday Yaman oo lagu waddo in ay soo caga-dhigato Muqdisho

by admin | Monday, May 18, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa lagu waddaa in ay maanta soo caga-dhigto garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho diyaarad sida 95 Ruux oo ka mid ah Soomaalida ku xaryian ee ku xayiran dalka Yemen, halkaasoo ay colaado ka taaga yihiin.

Soo qadista dadka Soomaalida ah ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Waana markii ugu horreysay oo qoxooti laga keenayo dalka Yemen ay soo gaaraan Muqdisho.Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga Qaranka Soomaaliya, Axmed Daahir ayaa ugu sheegay Warbaahinta Muqdisho in dadkaan maanta laga soo Dejinayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Yemen ayaa waxaa ka socda dagaallo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo ay ku xayiran yihiin dalkaas qoxooti fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo qaarkood gaaray halkaas 1991-kii markii Soomaaliya ay ka dilaaceen dagaallada sokeeye.

Sidoo kale, waxaa dalkaas ka yimid qoxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ku sugan Puntland iyo Somaliland, waxaana qaarkood laga soo ambixiyay shalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!