Diyaarad sidda dad ka soo cararay dagaallada Yaman oo Muqdisho soo gaartay

by admin | Monday, May 18, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa soo caga-dhigtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarad sidday qoysas Soomaali ah oo ka soo cararay dagaalada sokeeye ee ka soconaya dalka Yemen.

Waxaa la sheegay in qoysaskan yihiin kuwo ka faa’ideystay xabad joojin dhowaan loogaga dhowaaqay dalka Yemen, diyaaradii sidaydiyaraadaa qoysaskan oo ku soo hakatay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sugayay masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha C/Shiid Xiddig iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa loogaga dhowaaqay barnaamij lagu gargaarayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen. Qoysas ka soo cararay dagaalada ka dhacaya dalka Yemen ayaa waxa ay hore u soo gaareen magaalooyinka xeebaha ah iyagoo ka soo raacay doon dalka Yemen.

Kumanaan ruux oo Soomaali ah oo hore ugaga cararay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya ayaa weli ku xayiran dalka Yemen.Maalmihii la soo dhaafay ayaa xaalada dalka Yemen ay ahayd mid degen kadib markii xabad joojin shan maalmood ah lagu dhowaaqay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!