Diyaarada Qadar Airways oo duulimaadkeedii ugu horeeyay ka bilaabeysan Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 19, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa lagu wadaa in markii ugu horeysay duulimaad toos ah ka bilaawdo magaalada Muqdisho diyaarada Qatar Airways, iyadoo  noqoneyso diyaaradii labaad oo caalami duulimaad ka bilowday Soomaaliya muddo 20-sanno ka badan.

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa sheegay in heshiiska dhinaca duulista hawada ee ay kala saxiixdeen dhigiisa Qatar uu suura gelin doonin in diyaarada Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyo Doha.

“Hishiiskaas wuxuu yahay mid ahmiyad ballaaran leh,waxaa ka mid ah in diyaarada Qatar Airways ay duulimaad Muqdisho iyo DoxaQatar-Airways ka bilowdo”ayuu yiri Mr Jengeli.

Wafdi uu hogaaminayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo shalay ay heshiisyo ku kala saxiixdeen dhigiisa Qatar.

Sidoo kale waxaa heshiiskan qeyb ka ah dhinaca waxbarashada, iyadoo arday badan oo Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan inay waxbarasho u tagaan dalka Qatar.

Diyaarada kaliya ee caalami ee duulimaad ku timaada Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Istanbul ayaa ah diyaarada Turkish Airways oo sanadkii 2012 noqotay diyaaradii u horeysay ee caalami duulimaadka bilowda Soomaaliya muddo 20-sano ka badan.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!