Diyaaradaha Kenya oo duqeeyay dulleedka degmada Jilib gobolka, Jubbada dhexe

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Jilib : HN :– Wararka ka imanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya  in diyaaradaha Kenya dhowr gantaal ku tuuray deegaanka Hargeysa-yarey oo ku dhow degmada Jilib, iyadoo duqeyntan ay ka mid tahay kuwo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka geysanayeen deegaano ka tirsan Gedo.

Dad ku sugan goobta ayaa sheegay  in ay maqleen madaafiic xoogan oo ku dhaceysa nawaaxiga deegaanka Hargeysa-yarey, waxaana la ogeyn ilaa iyo hada qasaaraha ay geysteen duqeyntaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan diyaaradaha Kenya beegsanayeen saldhigyada l-shabaab ku sugan yihiin iyaga oo uga aargudayadiyaarado-dagaal11 weerarkii dhawaan lagu dillay 28 ruux ee ka dhacay dulleedka degmada Mandheera.

Labadii maalmood ayaa duqeymo ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya deegaano ku dhow dhow xuduuda labada dal ay wadaageen ayaa waxaa ku dhintay xoolo badan iyo ilaa labo qof.

Afhayeen u hadlay Milateriga Kenya ayaa sheegay in weeraradan ay la xiriiraan kuwii Al-Shabaab ay ka geysteen gobolka Waqooyi Bari, ayna kaga aar-gudanayaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntan maanta ka dhacday deegaanka hargeysa-yarey oo ka mid ah deegaanada ay ka taliyaan oo ku dhow degmada Jilib oo ah meelaha ay sida weyn uga xoogan yihiin.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!