Diyaarado dagaal oo dad rayid ah ku dillay deegaanno hoostaga gobolka Gedo

by admin | Sunday, Jul 12, 2015

Balad-xaawo : HN :–Inta la xaqiijinayo ilaa iyo 10 ruux ayaa ku dhimatay duqeymo ay maanta ka geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya duleedka degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Gedo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in diyaaraduhu duuqeeyeen deegaannno ku noolaayeen reer guuraa xoolo dhaqato ah,images waxaana deegaanka la duqeeyay lagu magacaabaa Laan-Qurac.

Nabaddoon Idiris Aadan Nuur ayaa u sheegay Warbaahinta in diyaaradaha dagaalka Kenya ay laayeen dadkii reer miyiga ahaa oo ku noolaa deegaannada ay diyaaradaha Kenya duqeeyeen.

“Inta naloo sheegay waxaa jiray dad dhintay duqeynta ay Kenya geysatay Maanta Carruur ku jiray dugsi Qur’aan oo ay diinta ku baranayeen, “ayu yiri Nabaddoon Idiris Aadan oo Warbaahinta uga Warbixinayay khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ahaayeen kuwo bartilmaameedsanayay xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Weerarro ka geystay Deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Ugu dambeyn, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo ay dad rayid ah iyo xoolo ugu dhinteen ugu geystay Gobollada Jubbooyinka & Gedo, iyadoo ay sheegaan saraakiisha Kenya inay beegsadeen saldhigyo ay lahayd Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!