Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ku dhaw degmada Baardheere, Gedo

by admin | Thursday, Jul 16, 2015

Gedo : HN :– Dayuurad dagaal ayaa waxaa la soo sheegayaa iney aroornimadii hore ee saaka duqeymo ka fulisay Degaanka Jungal oo qiyaastii 30-km u jirta Degmada Baardheere, xili nawaaxiga degmadaas ay ka jiraan xiisado dagaal.

Degaanka Jungal waxaa difaac kaga jira xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo u diyaarsan inay ka hortaggaan duulaanka Degmada Baardheere looga soo qaaday dhinaca Degaanka Fafaxdhuun.Diyaarado_Dagaal_Duqeyn
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta  saaka loo geystay xoogaga Al-shabaab ee ku sugan degaanka Jungal ee duleedka degmada Baardheere.

Jungal waa dhul buuraley ah, isla-markaana leh togag waaweyn, iyadoo ay adag tahay in daafacyadeeda laga gudbo. Waxaana loo maleynayaa inay taasi keentay duqeymaha xagga cirka ah ee saaka ka dhacay.

Ciidamada Huwanta ayaa xilligan ku sugan Degaanka Garas-dulan oo 5km u jirta degaankaasi Jungal, waxayna xalay madaafiic is weydaarsadeen xoogaga Al- Shabaab ee jooga degaanka Jungal.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!