Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay deegaano ka tirsan Shabeellaha hoose

by admin | Tuesday, Mar 10, 2015

Sh/hoose : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ay diyaar dagaal dhowr gantaal ku riday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay fariisimo ku lahaayeen, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqemaha.

Sida ay sheegayaan wararka diyaarado loo maleynayo inay yihiin kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones ayaa duqeymo ka geystay deegaanada Ambareeso oo ku dhow Baraawe iyo agagaarka deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay inay duqeynta dhacday, balse waxaa uu tilmaamay inay dib kadrone-280x175 sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay duqeynta saaka dhacday

Duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa ahaa kuwo soo badanayay mudooyinkii u dambeeyay, iyadoo ay ugu dambeysay duqeyn bishii la soo dhaafay ka dhacay deegaan u dhow degmada Diinsoor, halkaasoo Mareykanka sheegay inuu ku dilay Sarkaal magaciisa lagu sheegay Yuusuf Deeq.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo la yiraahdo Maxamed Yuusuf ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya la siinayo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, si ay kula dagaalanto Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa wali ka hadlin duqeyntan la sheegayo inay ka dhacday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, inkastoo aan inta badan looga baran inay ka hadlaan duqeymaha diyaaradaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!