Diyaarado dagaal oo weeraray Al-shabaab ku leeyihiin gobolka Sh/hoose

by wadani | Friday, Nov 25, 2016

Qoryooley : HN :-Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa xalay duqeyn k ka geystay deegaan hoostaga degmada Qoryooley oo ay saldhig ku lahaayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley, Maxamed Cismaan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in tuulada la weeraray oo lagu magacaabo Aw-dugul oo uu sheegay inay Al-shabaab saldhig ku lahaayeen.

“Weerarku wuxuu dhacay xalay saqdii dhexe, dadka Tuulada ku sugan, ayaa noo sheegay in Diyaarado Dagaal ay Gantaallo la dhaceen Guri Tuuladaas ku yaalla, Waxayna Dadku sheegeen in nolosha lagu qabtay lix Qof oo ka tirsan Al-shabaab, Afar kalena Guriga lala beegaday duqeynta lagu dilay,” ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ayaa sheegay in hawl-gakan uusan maqan wax khasaare ah oo kasoo gaartay shacabkii tuuladaas, isagoo sheegay in shacabku ay kala carareen markii duqeyntu billaabatay.

Ugu danbentii,, Guddoomiyaha  ayaa sheegay in ay daggan tahay xaalada tuullada , dadkii deegaankana ay dib ugu soo laabteen, inkastoo warbixin intaas dhaafsiisan uusan bixin.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!