Diyaarado duqeyn ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe

by admin | Thursday, Oct 2, 2014

Jilib : HN :–Wararka ka imanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in diyaaraduhu ay laba jeer oo is-xiga duqeeyeen laba saldhig oo ay Al-shabaab ku lahayd gudaha iyo duleedka degmadaas.

“Gantaallo ayay diyaaraduhu ku dhufteen saldhigga degmada oo xilligaas ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan Al-shabaab. Ma garan karno khasaaraha ka gaaray, waayo jidadka oo dhan ayay xireen duqeynta kaddib,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo ku sugan degmadaas.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in diyaaraduhu isla shaqeyn duqeyn kale u geysteen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd duleedka degmadaas, balse aan la garanayn khasaaraha ka dhashay.

Dowladda Kenya iyo Al-shabaab weli kama aysan hadlin duqeyntii ka dhacay gudaha iyo duleedka degmada Jilib shalay oo Arbacodiyara ahayd, iyadoo dhowr jeer oo horena ay duqeymo noocan oo kale ah ka geysteen diyaarado dagaal.

Gobolka Jubbada dhexe ayaa ah gobol ay si buuxda gacanta ugu hayso Al-shabaab, iyadoo duqeymaha ay diyaaradahan ay ka geysteen ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay ka geystaan degmadaas tan iyo markii duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii Al=shabaab.

Xaaladda degmada Jilib ayaa saaka daggan sida ay goobjoogayaashu kusoo warramayaa, iyadoo gudaha degmadaas lagu arkayo ciidammo fara badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dhawaanahan Al-shabaab waxaa ku socday dagaallo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya, kuwasoo looga qabsaday deegaanno dhowr ah, iyadoo dowladdu ay sheegtay inay hadda ku wajahan yihiin degmada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee Al=shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!