Diyaarado duqeyn ku dillay 12 ruux oo rayid ah dulleedka Buurhakaba

by admin | Saturday, Jul 25, 2015

Baay : HN :–Wara soo baxaya ayaa sheegaya in labo iyo toban ruux  ku geeriyoodeen degmada Buurhakabo ee gobolka Baay, kuwaasoo ahaa barakacayaal, sida warbaahinta gudaha ayaa baahisay.

Inkastoo dhab ahaan la ogeyn sidda ay wax u dhaceen, ayaa haddana la leeyahay waxaa ay dadkaasi ku dhiteen duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal, halka warar kalana sheegayaa in madaafiic iyo rasaas ay ku fureen ciidammada AMISOM u dhinteen.

Dadka dhintay waxaa la sheegay inay ku jitaan afar carruur ah iyo lix ruux oo haween ah,warar kale ayaa sheegaya khataaruhu in uu Degmada-Buurhakaba-Bayinta ka badan-yahay.

Qof ka mid ah ehelka dadka ku dhintay weerarkan oo magaceeda lugu sheegay Ifraax ayaa u sheegtay warbaahinta Muqdisho in dadka dhamaantood ay ka soo barakaceen colaada, iyadoo intii ay sii jeedeen Buurhakaba la duqeeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad kale oo ka bad baaday gaariga oo howdka ku cararay ay rasaas ku fureen ciidamada is garabsanaya.

Falkan la sheegay in ay ku kaceen ciidammada AMISOM, ayaa ku soo beegmaya maalmo uun kaddib markii ay ciidammada AMISOM dad rayid ah ku laayeen degmada Marka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!