Diyaaraha dagaalka Rushka oo duqeyn ka geystay dalka Siriya

by admin | Thursday, Oct 1, 2015

Siriya : HN :–Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa markii ugu horeysay duqeyn la beegimagessaday gobalka Homs goobaha ay ka joogaan mucaaridka la dagaalamaya xukuumada Bashar Al Assad.

Ruushka oo todobaadyadii la soo dhaafay ciidamo iyo diyaaradaha dagaalka geeyey dalka Siiriya ayaa sheegay inuu la dagaalamayo kooxda ISIS, balse wararka kasoo baxaya dalkaasi Siiriya ayaa sheegaya in goobaha ay Arbacadii shalay diyaaradaha Ruushka duqeeyeen ay ku sugnaayeen dagaalyahanada ka soo horjeeda xukuumada Bishaar Al Asad.

Dowladda Maraykanka ayaa ka digtay in Ruushka uu duqeyn la beegsado Mucaaridka qunyar socodka ah balse duqeyntooda ku ekeeyaan oo kaliya goobaha ay joogaan kooxaha ISIS iyo Al Nusra oo ka tirsan Al Qacida.

Ruushka ayaa u muuqda in uu wado abaabul balaaran oo uu ku xoojinayo Dowladda Siiriya ee Bashar Al Assad iyadoo ay muuqato inuu bartilmaameedsanayo dhamaan kooxaha mucaaridka ah ee Siiriya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!