Donald Trump oo hogaanka u haya doorashada dalka Mareykanka

by wadani | Wednesday, Nov 9, 2016

Washington : HN :- Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada dalka Mareykanka ayaa sheegaya in musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu guulweyn soo hooyay ilaa iyo hadda isaga oo siweyn uga horeeya Hillary Clinton, waxaana wali is bed bedelaya natiijooyinka cododka laga dhiibtay gobolada oo wali la sugayo gobolo badan.

Mr Trump ayaa ku guuleystay illaa 23 Gobol, halka Hillary Clinton ay ku guuleystay 16 Gobol, waxaana Trump uu si aan la fileyn uga guuleystay gobolo la filayay in Hillary Clinton ay ku guuleysan doonto.

Donald Trump ayaa helay 232 cod, halka Hillary Clinton ay heshay 209, waxaana labadooda laga doonayaa inay gaaraan 270, si midkood ugu guuleysto doorashada Madaxweynaha Mareykanka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa 38 cod kaliya waxaa ay uga harsan tahay 270, waxaana hadii uu xaqiijiyo ay noqoneysa in Mr Trump ku guuleysto.

Labada Musharax ayaa dhaq dhaqaaqa doorashada iyo natiijooyinka marba is bedelaya waxay ka kala socdaan magaalada New York.

Ugu danbeyntii, Saadaalihii la bixinayay ayaa muuqata inay is bedeshay, isla markaana gobolo lagu waday in cododka ugu badan ka heleyso Ms Clinton ayaa si cajiib ah looga qaaday.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!