Dood ku saabsan nidaamka federaalka oo Muqdisho lagu qabtay

by admin | Thursday, Mar 5, 2015

Muqdisho : HN :–Magaalada Muqdisho waxaa maanta lugu qabtay dood la xiriirtay nidaamka faderaalka iyo sida ugu wanagsan ee dalka loo garsiin karo,maaddama la sheegay marka la gaaro 2016 inay dalka doorasho xor ah ka dhici doonto.

Dooda ayaa waxaa kalo looga hadlay maamul usameynta gobollada dalka oo ah qorsha la doonayo dalka in lugu gaarsiiyo doorasho xor ah oo ay shacabku wax doortan.

Waxaa ka qayb-galay kulanka mas’uuliyin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo u ka mid yahay wasiiru dowlaha wasaaradda,Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo xubno ka socoday xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,ururada bulshada rayidka ah.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka qayb gashay kulanka dood wadaaga ah ayaa waxaa ay qabaan in bulshada Soomaaliyeed aysan640x427x051.jpg.pagespeed.ic.lj8Ns-d63T fahamsaneyn nidaamka federaalka ah ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo isla markaana loo baahanyahay in lagu baro marka hore.

Dadka fikirka qaba oo soo jeediyay waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadi,Tarsan iyo Caasho Geele Diriye oo ah guddoomiyhaa gudiga dib u eegista dastuurka .

Madaxa siyaasadda xafiiska QM ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Kalowde Kolonji DEMBA ayaa ka hadashay Kulankaas waxaana ay sheegtay in Sanadkaan uu Noqon doono Sanadkii Dhameystirka Maamul u sameynta Gobollada dalka Soomaaliya iyo gaarsiinta nidaamka Federaalka ah Ee Dalka sida Qorshuhu Yahay Maamulada Hadda Dhismaya sida Gobolada Dhexe ayayna Bogaadisay.

Falanqeeyasha ayaa qaba inaysan fududeen sida uu dalka ku gaari karo nidaamka lala rabo ee faderaalka,kaaso laga doonayo inuu ka dhasho doorasho dalka ka dhacda oo ay shacbku wax doortan

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!