Dood looga hadllayay isku xirka dhalinyarrada oo lagu qabtay Marka

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Marka : HN :– Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta lagu qabtay dood ay isugu yimaadeen dhallinyaro ka kala socotay Muqdisho, Marka iyo Baraawe, taasoo looga hadlay sidii loo sameyn lahaa dallad isku-xirta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda CCD ayaa waaxa ka soo qaybgalay in ka badan boqol dhallinyaro ah oo ka kala socday Banaadir iyo Shabeellada Hoose, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Marka iyo Baraawe, waxayna siyaabo kala duwan uga hadleen muhiimadda ay leedahay in loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed dallad isku xirta si ay horumarka iyo nabadda dalka uga qeyb qaataan.

Taliye ku-xigeenka booliiska degmada Marka, Cusmaan Sh. Cali oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa xusay in dood-cilmiyeedkan uu yahay mid muhiimad weyn u leh dhalinyarada, isagoona intaa ku daray in dhallinyarada ay ku gaari karaan yoolkoodadhalin isla markaana ay ku kala war qaataan.

Guddoomiyaha dhallinyarada magaalada Marka, C/qaadir Cali Mursal ayaa sheegay in dood-cilmiyeedkan uu yahay mid fiican ayna soo dhoweynayaan, wuxuuna xusy in fikradda lagu asaasayo dallad isku xirta dhallinyarada ay tahay mid wanaagsan oo baahi weyn loo qabay.

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa madaxda iyo maamulka CCD oo runtii isku soo duba-riday doodad looga tashanayo asaaska dallad ay ku mideysan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri C/qaadir Cali Mursal.

Dhinaca kale, waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Axmed Sugwaa oo isna ah guddoomiyaha dhallinyarada degmada Baraawe, wuxuuna sheegay in dood-cilmiyeedkan uu yahay mid taariikhi ah oo mug weyn, isagoona tilmaamay in uu astaan u yahay is dhex-galka dadka Soomaaliyeed. Isagoo yiri “Waxaan sameysan doonaa dallad isku xirta dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in mar dhow dhallinyarada Marka ay tegayaan Muqdisho, kuwa Markana ay tegayaan Baraawe, kuwa Baraawena ay Muqdisho booqdaan.”

Cali C/qaadir Faarax iyo Xasan Sh. Cabdi oo ka socday gobolka Banaadir, oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan u cabiray doodii maanta ka dhacay degmada Marka, iyagoo hoosta ka xariiqay asaaska dalladda isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Cabdi ayaa isagana sheegay in dhallinyarada maanta ay yihiin mustaqbalka berri loo baahan yahay inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen cuddudooda, wuxuuna xusay in dood cilmiyeedkaan uu gundhig u yahay sidii ay dhallinyarada uga xoroobi lahayd in loo adeegsado falalka xun xun.

Dhamaan ka qeyb-galayaasha doodad ayaa ka jawaabay su’aalo ku saabsan fikradahooda ay ka qabaan dalladda isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyagoo dhammaantood siyaabo kala duwan u soo dhoweeyay isla markaana tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!