Doodii mooshinka ee xildhibaannada soo gaartay gallinkii danbe ee maanta

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Muqdisho : HN :– Fadhigii baarlamaanka maanta oo ahaa mid looga doodayay mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare Cabdweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka sii socdaa xarunta baarlamaanka iyadoo ay socoto ka doodista mooshinka.

Waxaa maanta is qortay ilaa 84 xildhibaan  kuwaa doonayay in ay ka qeyb-qaataan dooda mooshinka, waxaana ay xildhibaannadaas isugu jireen kuwa ka soo horjeeda mooshinka iyo kuwa difaacaya.

Xildhibaanada baarlamaanka oo markii horeba u qeybsanaa labo dhinac ayaa doodahooda waxa ay ku salaysnaayeen qaar taageeraya ra’iisal wasaaraha iyo waxyaabihii uu qabtay halka qaar kalana ay soo jeedinayeen dhaliilo ku aadan ra’iisal wasaaraha.

Dooda ayaa si wanaagsan u dhacaysay iyadoo aanay jirin wax buuq ah waxana guddoonka baarlamaanka ay hore u sheegeen in la& shaqeynayo labada gelin ee maalmaha Khamiista iyo Sabtida.

Guddoonka ayaa rajo ka qaba in uu soo dhameeyo dooda maanta si loo gudo galo cod u qaadista mooshinka 6da bisha December oo ku aadan Sabtida.

Xildhibaanada ayaa waxa ay yihiin qaar diyaar u ah dooda inay ka qeybgalaan halka kuwa kalana ay dhagaysaneen doodaha. XIlliyada salaada iyo cuntada oo kaliya ayaa baarlamaanka uu yahay mid loo kacayay balse inta kale ay yihiin qaar aan loo kala kicin.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!