Dooni siday qaxooti Yemeniyiin ah oo ku soo xiratay dekeda Berbera

by admin | Tuesday, Mar 31, 2015

Hargeysa: –HN:- Dooni ay la socdeen 32 ruux oo dalka Yemen u dhashay, ayaa waxay ku soo xiratay Dekeda Magaalada Berbera, markii ay dalkaasi ka soo carareen.

Hay’adda UNCHR, ayaa waxay sheegtay in dadkaasi uu saamayn ku yeeshay qalalaasaha ka jira Magaalada Ticis, ee Koonfurta Yemen.

UNCHR, ayaa xaqiijisay in dadkaasi ay muddo 12 saacadood ku safrayeen xeebaha Yemen iyo Somalia, iyagoo nabad-qabana ay gaareen Berbera.

Jabhadda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, ayaa toddobaadkii hore  dagaal kula wareegay Magaalada Ticis, oo xiriirisa Magaalooyinka Cadan iyo Sanca.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa waxa uu UNCHR uu ka codsaday inay gacan ka geysato sidii dalka Yemen looga soo samata bixin lahaa  Somalida halkaa ku nool.

Wasiirka oo la hadlay Idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA ayaa xaqiijiyay in Dowladdiisu ay la socoto dhibaatada ka taagan dalka Yemen, isla-markaana ay dadaal ku bixineyso sidii loogu gurman lahaa Somalida ku go´doonsan dalka Yemen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!