Dooni xoolo sidday oo ku gubatay meel ku dhaw dekeda Boosaaso

by admin | Sunday, Jun 14, 2015

Boosaaso : HN :-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon sidday sidday in ka badan 1000 neef oo xoolo ah oo isugu jiray Lo’ iyo Ari ayaa ku gubaytay Xeebaha Magaalada Boosaaso meel Afar Mayl u jirta dekedda Boosaaso. Doonidan waxaa iska lahaa Ganacsato dalka Iiraan u dhashay.

Wasiirka dekadaha Puntland, C/llaahi Jaamac Saalax ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey Dabkan Qabsaday Doonidaan Xoolaha Sidday, Isagoo Xusay in Shaqaalihii Doonidan la socday la badbaadiyay dhammaantood, inkastoo aan tiradooda la sheegin.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in xoolaha doonidu siday oo ahaa kuwo Ganacsi ay ku Gubteen Dabka, inkastoo Mas’uuliyiinta Dooni_Xoolo_Sida_oo_uu_dab_Qabsadaymaamulka Puntland ay sheegeen in qaar ka mid ah xoolaha la badbaadiyay.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xusay in Gurmad buuxa oo deg-deg ah ay doonida oo ku soo laabanaysay Dekedda Boosaaso ay u direen, balse nasiib-darro ay ku guuleysan waayeen inay damiyaan dabka, maadaama uu cows badan saarnaa doonida ayna dabeylo xoog leh dhacayeen.

Ugu dambeyn, doonnidan oo ka furatay xalay dekedda Boosaaso ayaa ku socotay dalalka Khaliifka Carabta qaar ka mid ah, inkastoo aan la sheegin dalka ay rasmi ahaan Xoolahan ugu wadday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!