Doorashada ilaa shan kursi oo maanta ka dhici doonta magaalada Jowhar

by wadani | Friday, Nov 18, 2016

Jowhar : HN :-Goor dhaw ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar ay ka bilaabato wajiga labaad ee doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, kaddib markii shalay ay dib ugu dhacday khilaaf iyo is qab qabsi ka dhashay xubnaha ergooyinka.

Ergooyinka dooranaya Kursigan ayaa goor dhow lagu xariyay Hoolka shirarka ee Shirkadda Farjano, waxaana tartanka adag uu dhex mari doonaa Musharaxiinta kala ah C/qaadir Cosoble Cali iyo Muxiyadiin Xasan Jurus.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Guddiga ayaa sheegaya inuu tanaasulay hal musharax oo u taagnaa Kursiga, taas ayaa keentay in labada Musharax ay isugu soo haraan kama dambeysta, waxaana kursigan lagu kala badin doonaa cod hal dheeri ah.

Kursiga Warsangeli Abgaal ayaa ahaa kan ugu adag ee Tartanka Kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, waxaana labada Musharax ee kala ah C/qaadir Cosoble iyo Muxiyadiin Jurus ay ku bixinayeen tartanka ay ugu jiraan kursigan dhaqaale aad u fara badan.

Ugu danbeyntii, wararka  qaar ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayo Madaxtooyada oo dooneysa in laga takhaluso C/qaadir Cosoble oo ah Musharax mar kale u taagan xilka Madaxweynaha.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!