Doorashada Kenya oo si degan u socta iyo xaafadda Islii oo ay dadku safaf dhaareer ku jiraan

by Somali | Monday, Mar 4, 2013 | 2 views

ISLII4Nairobi : HN :  Wararka laga hellayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in waqtiga si dega u socoto doorashada guud ee dalkaasi Kenya, waxaana goobaha codbixinta lagu arkayaa dad ka kooban qeybaha bulshada oo safaf  dhaareer ugu jira goobaha codbixinta.

Gaar ahaan xaafadda Islii ee Soomaalidu degto ayaa wararka laga hellayo waxaa ay sheegayaan amniga siweyn loo adkeeyay, waxaana ay dadka Soomaalida ay ku nool xafaadaas ilaa iyo saakay ku sugan yihiin goobaha doorashada si ay markaa codadkooda u dhiibtaan.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego dadka Soomaalida ah ee  ku nool xaafaddaas ayaa foojignaan dheeraad ah qaba, iyaga oo ka baqdin qaba rabashado halkaa ka dhaca, kadibna dhibaato gaarsiiyay ganacsigooda.

Marka laga soo  tago dadka codeynaya ama codka dhiibanaya, sidoo kale waxaa jira boqolaal dadweyne Soomaali ah oo si gaar ah isha ugu haya dhaq dhaqaaqa xaafadda iyaga oo si rax raxan ah u hor taagan goobahooda ganacsiga oo xiran.

Guud ahaan marka la eego doorashada dalka Kenya iyo wararka laga hellayo deegaannada kala duwan ee codbixintu ka socoto ilaa iyo hadda ma jiraan rabashado la soo sheegayo, waxaana amaanka sugaya oo ka qeyb-qaadanaya in ka badan 99,000 oo ciidamo ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!