Doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo goor dhaw ka bilaabaneysa Cadaado

by admin | Saturday, Jul 4, 2015

musharixiinCadaado : HN :—Magaalada Cadaado ee xarunta gobolka Galguduud waxaa saakay lagu waddaa in ay bilaabato doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug oo ay u taagan yihiin ilaa lix mushara oo dhamaantood ka soo jeeda deegaannada maamulka uu ka arrimin doonno.

Laakiin musharixiinta sidda gaarka ah isha looga wadda hayo ayaa kala ah Axmed Macalin Fiqi, C/kariin Xusseen Guulleed iyo Axmed C/salaan Xaaji Aadan, oo la fillayo in midkood maanta uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha maamulka gobollada dhexe.

Saacadihii ugu danbeeyay oo dhan xalay musharixiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, waxaa ay ahaayeen kuwo isku gacan banaan oo meel kaliya ayeey wadda joogeen, iyadoo musharax walba uu xoogga saarayay in uu hello kalsoonida xildhibaannada, dariiqo kastaba ha loo mareen, mar marka qaarna waxaaba jirta in codadka xildhibaannada lagu baayactamayay oo la kala iibsanayay.

Xarunta madaxtooyada magaalada Cadaado ayaa lagu wadda in saakay si rasmi ah doorashada uga bilaabato, lamana garanayo ugu danbeyntii cidda ku soo bixin doonta.

Musharaxa hella codadka 45 xildhibaan ayaa ku guuleysan doonna wareega ugu horeeyaba doorashada, laakiin haddii la waayo taa micnaheedu waa in wareeg kale loo baahan doono laguna kala bixin doono cod hal dheeri ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!