Doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobolka W/qooyi oo Muqdisho ka bilaabaneysa

by wadani | Monday, Dec 19, 2016

Muqdisho : HN :-Guddiga doorashada dadban ee ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah ay Dib uga bilaabaneyso Magaalada Muqdisho Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Degaanada Somaliland oo Guddigu oo si KMG u joojiyay Jimcihii la soo dhaafay Khilaaf jira Awgiis.

Maanta ayaa doorashada oo ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa lagu dooran doonaa illaa 6 Mudane.

Beelaha ka soo jeeda Somaliland ayaa aqalka hoose u helay saami ahaan 46 Xildhibaan,waxaana horay loo doortay in ka badan 20,inkastoo Guddiga Doorashooyinka ay laaleen qaar kamid ah Xildhibaanadii la doortay ee Beelaha Somaliland.

Ugu danbeyntii guddiga ayaa sheegay in la xaliyay intii badneyd Khilaafkii ka dhex jiray Doorashada Aqalka Hoose gaar ahaan Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomalaiya ee hadda uu ka jiro Maamulka Somaliland.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!