Doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulka Galmudug oo Cadaado ka bilaabatay

by wadani | Thursday, Nov 10, 2016

Cadaado : HN :-Doorashada Aqalka Hoose Maamulka Galmudug ee ka mid Noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka billaabatay Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.

Xildhibaannadan, ayaa waxaa mid walba oo ka mid ah soo dooran doona 51 Ergay, iyadoo lagu wado in Maanta lasoo doorto Saddex Xildhibaan oo keliya, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Maamul-goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Gudiga Doorashda Galmudug, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay warbaahinta in doorashada ay soo gaba-gabeyn doonaan muddo toddobaad gudaheed ah.

“Waxaa ALLE Mahaddiis ah, in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ay maanta si rasmi ah noogu billaabatay, Waxaana Maanta lasoo dooran doonaa saddex mudane oo keliya, kuwa kalena maalmaha soo foolka leh ayaa lasoo dooran doonaa,” ayuu Guddoomiye Xuseen oo u warramayay VOA-da.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay inay soo gaareen cabashooyin fara badan, laakiinse inta badan la xalliyay, lana soo Dhameystiray Dhamaan Musharraxiintii ku Tartamaya 36-ka Kursi ee laga doonayo Maamulka Galmudug.

Dhinca kale, Wararka ayaa waxay sheegayaa in Kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Hoose ee Galmudug uu ku guuleystay Ganacsade Siciid Nuur Giriish oo ka mid ahaa xubnihii u Tartamayay Kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, doorashada ayaa waxay ka dhacaysaa laba goobood oo kala duwan, iyadoo ay ammaanka sugayaan Ciidamada Mmaamulka Galmudug iyo  Ciidammo ka tirsan kuwa Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!