Doorashada xubnaha aqalka sare maamulka K/galbeed oo la soo gabagabeeyay

by wadani | Wednesday, Oct 19, 2016

Baydhabo : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheeaya in la soo gabagabeeyay doorashad xubnaha aqalka sare ee dalka ee maamulka Koonfur galbeed, waxaana xubnahan ka mid ah labo dumar ah.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa noqonaya dowlad gobaleedkii sadaxaad ee soo dhameystira doorashada xubnaha Aqalka Sare, waxaa hore u soo gudbiyay liiska Aqalka sare Maamulada Galmudug iyo Jubbaland, Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in baarlamaankiisa uu u codeeyo xubnaha Aqalka Sare.

Halka ka Akhriso magacyada xubnaha ku soo baxay aqalka sare ee dalka :

1-Zamzam Ibraahim Cali

2-Timiro Maxamed Cali

3-Xuseen Sheekh Maxamuud

4-Aadan Cabdi Aadan

5-Ilyaas Cali Xasan

6-Cabdikaafi Macalin Xasan

7-Xuseen Cali Xaaji Cabdalla

8-Cabdulaahi Cabdi Jabriil

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!