Doorashada xubnaha aqalka sare oo goor dhaw ka bilaabatay Cadaado

by wadani | Saturday, Oct 15, 2016

Cadaado : HN :- Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay si toos ah uga billaabatey doorashada xubnaha aqalka sare, iyadoo ay dooranayaan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug.

Howlka baarlamaanka Galmudug waxaa ku sugan musharraxiinta aqalka sare, waxaan baarlamaanka maanta lagu wadaa inuu doorto inta badan xubnaha aqalka sare.

Waxaa laga yaabaa in maanta laga wada gaari waayo dhammaan doorashada xubnaha oo maalinta berri ah qeybta dhiman dib loo dhigo, balse musharraxiinta ayaa howlgalka ku wada sugan.

Hoos ka arag sawirada

a6 a5 a4 a3 a2 a1

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!