Doorashada xubnaha aqalka sare oo maanta ka dhaceysa Jowhar

by wadani | Monday, Nov 7, 2016

Jowhar : HN :-Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare ayaa sheegay in maanta la dooran doono Xubnaha Aqalka sare, iyadoo gelinka hore ee maanta la dhageysanayo khudbadaha Musharaxiinta.

“Maanta Afar saac ayay soo xaadirayaan Xildhibaanada, 5-saac ayaa la dhageysanayaa khudbadaha Musharaxiinta, 10-saac ama bacdal Casir waxaa bilaabaneysa doorashada”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Jowhar ka taagnaa khilaaf xoog leh oo ka dhashay liiska musharixiinta aqalka sare ee la soo saaray Jimcihii aynu soo dhaafnay, kaddib markii dood xoog leh xildhibaannada ka keeneen magacaabista xubnaha qaar.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!