Doorashadii aqalka hoose ee Hirshabeelle oo dib loo dhigay

by wadani | Saturday, Nov 19, 2016

Jowhar : HN :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in guddiga doorashada heer dowlad gobolleed, dib u dhigeen doorashadii xubnaha aqalka hoose ilaa amar danbe.

Dib u dhigista doorashadan ayaa ka danbeysay, israsaaseyn xalay magaalada Jowhar ku dhaxmartay ilaalada xarunta doorashada iyo ciidammo uu wattay mid ka mid ah wasiirrada xukuumada Soomaaliya oo ka mid ah musharixiin u ku loolamayay kursiga beesha Jidle Gugundhabe.

Ugu danbeyntii, Waxaa magaalada ka soconaya wadda hadallo u dhaxeeya guddiga doorashada iyo maamulka heer gobol oo looga wadda hadlayo is rasaaseyntii xalay iyo sidda laga yeellayo kursiga lagu muransan yahay ee khilaafku ka dhashay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!