Doorashadii guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo socta

by wadani | Thursday, Jan 12, 2017

Muqdisho : HN : -Waxaa xarunta gollaha shacabka si toos ah xiligan uga socta doorashada Guddoomiye Ku xigeenada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhamaantood ku sugan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah goobta Doorashada ay ka socoto.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa kala ah Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Faarax Sheekh C/qaadir, Khaalid Macow C/qaadir, Saciid Xuseen Ciid iyo Khadiija Maxamed Diiriye.

Siddoo kale xilka guddoomiye ku-xigeennada labaad ayaa waxaa u sharaxan musharixiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mahad Cawad Cadalla, C/llaahi Goodax, C/wali Max’ed Qanyare iyo xubno kale.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa….

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!