Doorashadii guddoonka baarlamaanka oo bilaabatay

by wadani | Wednesday, Jan 11, 2017

Muqdisho : HN :-Waxaa ka socda xarunta gollaha shacabka doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xiligan socta codeynta xildhibaannada.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid  Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar .

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ay diyaar yihiin oo ay codeynayaan 136 xildhibaan,iyadoo ay doorashadana musharixii hela 139 cod uu si toos ah ugu guuleysanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Doorashada wareega koowaad ayaa bilaabatay iyadoo ay ugu horeeyn codeeyeen guddiga doorashada iyo guddoonka kumeelgaaarka ah.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!