Doorashadii Jowhar loo hakiyay khilaaf soo kala dhax galay guddiga iyo madaxweynaha Hirshabeele

by wadani | Wednesday, Nov 30, 2016

Jowhar : HN : -Guddiga doorashada heer dowlad gobolleedka ee maamulka Hirshabeelle sheegay in ay joojiyeen sii socoshada doorashada xubnaha aqalka hoose ee magaaalada Jowhar.

Guddiga doorashada ayaa arintan ku micneeyay kaddib markii madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble fara-galin toos ah ku sameeyay habsami u socodka doorashada iyo howlihii loo idmaday guddiga heer dowlad gobolleed, taasoo keentay sidda ay hadalka u dhigeen in la hakiyo doorashadii halkaa ka soctay.

Ugu danbeyntii, waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan kuraasta wali  ka harsan doorashada ka socta magaalada Jowhar oo marka laga soo tago is heysiga beellaha dhaxdooda la leeyahay waxaa jirta faragalin ka imaneysa dhinaca mas’uuliyiinta maamulka, taasoo keentay in guddiga ay ka gadoodaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!