Doorashadii xubnaha aqalka hoose gobollada W/qooyi Soomaaliland oo hakad la galiyay

by wadani | Friday, Dec 16, 2016

Muqdisho :HN :-Guddiga Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

War kooban oo uu Guddigu soo dhigay bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inta laga xalinayo khilaafka ka jira doorashada la hakinayo.

Wararka ayaa sheegaya in la isku heysto soo xulista ergooyinka dooranaya beelaha, sidoo kale waxaa khilaafka qeyb ka ah loolan u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku dagaalamaya xubnaha Gobolada waqooyi.

Illaa 19 Kursi oo ka soo jeeda beelaha Somaliland ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay lagu doortay magaalada Muqdisho, iyadoo 46 xildhibaan ay yihiin tirada kaga soo aaday aqalka Hoose, waxaana dhiman 27 xildhibaan.

Ugu danbeyntii, hakinta ayaa imaneysa xili siddoo kale muran xoogan uu ka jiro doorashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaasoo aan wali la soo dooran, iyadoo Puntland ay diidan tahay labada xubnood ee ka soo galaya Gobolada Sool iyo Sanaag.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!