Dowalada Soomaaliya oo ku baaqday in laga qeyb-qaato joojiynta colaada Deefoow

by admin | Tuesday, Oct 21, 2014

Muqdisho : HN :– Guddiga amniga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo guddi wasiirro ah oo loo xilsaaray xallinta dagaal beeleed ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga arrin sadeen sidii xal loogu heli lahaa colaaddaas.

Kulanka oo uu shir guddoominayey wasiirka diinta iyo awqaafta, ahna kusimaha Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan XirsiRidwaan-Xirsi-Maxamed-445x300 Maxamed ayaa laga soo saaray farriin nabadeed oo ka kooban dhowr qodob.

Qodobbada ayaa waxaa ka mid ah: In dhinacyada ku dagaallamaya ay shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka, in maamulka, ciidammada dowladda, kuwa AMISOM  iyo shacbiga gobolka Hiiraan ay ka qayb qaataan daminta colaadda iyo in xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jeedda gobolka Hiiraan ay ka qayb-qaataan sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka.

Dagaal u dhexeeya beelo daris ah oo ka billowday is-maandhaaf ku aaddan lahaanshaha dhul-beereed, geysteyna dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur-bur hantiyeed ayaa ku soo noq-noqonaya deegaannada Kabxan, Deefoow, Jeerreey iyo kuwo kale oo ka wada tirsan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!