Dowlada Somaliya oo 2milyan dollar dul dhigay madaxa cusub ee Al-shabaab

by Yahye | Saturday, Sep 27, 2014

Muqdisho; HN;- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay $2 milyan ku abaal-marineyso ciddii gacan ka geysata in nolol lagu soo qabto hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda).

Taliyaha ciidanka nabad-sugidda qaranka, Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in sidoo kale lacag dhan $1 milyan la siinayo ciddii keenta xog horseedi karta in la khaarijiyo hoggaamiyaha kooxda.

Tuuryare ayaa sheegay inay qarin doonaan aqoonsiga qofka bixiya macluumaadka loo baahan yahay.

Axmed Diiriye ayaa noqday hoggaamiyaha Al-Shabaab horraantii bishan kaddib markii duqayn Mareykanku geystay lagu dilay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay, Axmed Cabdi aw-Maxamuud Godane.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!