Dowladda Britain oo Kenya ugu baaqday in ay ciidamadeeda ku sii sugnaadaan Soomaaliya

by admin | Sunday, May 3, 2015

Nairobi : HN :–Dowladda Britain ayaa ugu baaqday xukuumada Kenaya in ciidamadeeda sii joogaan Soomaaliya tan iyo inta laga adkaanayo wax ay Britain ugu yeertay argagixisada.

Safiirka UK u fadhiya dalka Kenya,Christian Turner ayaa sheegay dowladiisa in ay taageerayso dowladda Kenya haddii ay ciidammeeda ku sii hayso Soomaaliya.

Safiirka ayaa siddoo kale sheegay in uusan xalka imaan karin haddii ay dhagaysato xukuumadda Nairobi farrimaha ka imaanaya CHRISTIAN-TURNER-HCururka al-Shabaab oo ku baaqa in ciidanka Kenya ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya.

Danjiraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlayay taleefinshinka ku yaalla gudaha Kenya ee lugu magacaabo KTN,isagoona tilmaamay inay mar wlaba garab taagan-yihiin dowladda Kenya.

“Hanjabadaha ka imaanaya al-Shabaab,xal uma noqon doonto haddii ay Kenya ciidanka ka soo saarto Soomaaliya,”ayuu yiri wakiilka u jooga Kenya dalka Britain.

Sidoo kale,ninka waxuu dhaleeceyay laamaha ammaanka Kenya oo u sheegay inay ku dhex-jiraan musuq maasuq taasi oo meesha ka saari karta kalsoonida Britain ee Kenya

Waxuu ugu baaqay dowladda Kenya in ay ka shaqeyso cadaadis dhinaca Militeriga,Iskaashi dhanka sirdoonka iyo indha indheen xoogan oo dhinaca xadka ay la wadaagto Soomaaliya iyadoo taageero waydiisanaysa wadamada saaxiibada la ah.

Dowladda Kenya ayaa la daala dhacaysa ka hortaga weerarrada dhibaatada badan geysanaya ee ka imaanaya al-Shabaab,dhowr weerar oo ka dhacay Kenya waxaa ku dhintay dad gaaraya boqollaal.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!