Dowladda federaalka iyo maamulka Jubba oo gaaray hishiiis is afgarad

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Goodax-BareKismaayo : HN :– Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid xooga saareysa siddii loo mideyn lahaa ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobollada dalka Soomaaliya, kaddib kulan magaalada Kismaayo ay ku yeesheen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinat maamulka Jubba.

Xubnaha  wafdiga dowladda ee gaaray Kismaayo waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre, waxaana wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Maaliyada iyo Madaxa Hogaanka Taakuleynta Ciidamada xooga dalka.

C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid muhiim u ah danta Umada Soomaaliyeed, isagoo xusay in la isku dhafi doono Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubooyinka.

Aqriso qodobada uu hishiiska ka kooban yahay :

  • Waxaa la isla meel dhigay in laga sameeyo gobollada hoos yimaada maamulka Jubba Ciidan qaran, oo isu dheellitiran iskuna dhafan lagana soo qoro jubbooyinka oo ay hadda isugu soo urureen nabad diidka Al Shabaab.
  • In maamulka Jubba helo taageero deg deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada.
  • In Guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg deg ah uga howlgalaan maamulka Jubba si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca Ciidamada qaranka iyo diiwaangelintooda.
  • Waxaa lagu heshiiyey in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya maamulka Jubba la qoondeeyo iyo  in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43aad iyo 60aad dib loo howlgeliyo si ciidamada loogu tababaro.
  • In dib loogu yeero wixii ka haray ciidankii qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo
  • In Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya maamulka Jubba si deg deg ah loola soo gaaro agabka ciidan maamlmaha soo scoda si howlgalkoodu u sii socdo.
  • In wixii ku saabsan arrimaha Booliiska iyagana laga taageero Ciidamada boliiska ee Jubbaland
  • In xafiiska arrimaha socdaalka si deg deg ah looga yagleelo magalada Kismaayo
  • In hey’adihii taageerayey Booliiska maamulka Jubba loo fasaxo dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga xiran

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!