Dowladda federaalka iyo maamulka Puntland oo qodobo dhowr ah ku hishiiyay

by admin | Sunday, Apr 12, 2015

Muqdisho : HN :–Wada-hadallo u dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntlanad ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbaahinta u sheegay Sharmaarke-Ridwaan-iyo-Gaas-300x200in labada dhinac ay ku heshiyeen qodobbo ay kamid yihiin, fulinta heshiisyadii horey loo galay, dhisidda ciidan qaran oo tayo leh,dhammeystirka maamul goboleedyada, sameynta guddiyo heer qaran ah,u diyaar garowga iyo qabashada madasha madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada iyo iskaashi dhex mara dowladda federaalka iyo maamullada kajira dalka.

Wuxuu tilmaamay in la isku raacay in maamul goboleedyada dalka ay wakiillo ku yeeshaan marka la sameynayo arrimaha sharuucda waddanka iyo hiigsiga sanadka 2016 ka.

Raysul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si isku mid ah u soo dhoweyeey qodobada ay ku heshiyeen, iyagoo xusay inay muhiim tahay, dhisidda ciidan qaran oo tayo leh, xaqiijinta hiigsiga, iyo ka shaqeynta nabadda iyo horumarinta dalka.

Wafdigii uu horkacayay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa dib ugu laabta magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!