Dowladda federaalka iyo Puntland oo hishiis rasmi ah gaaray

by admin | Tuesday, Oct 14, 2014

Muqdisho : HN :– Warbaahinta ayaa lagu waddaa in saacadaha soo socda la soo gaarsiiyo warbaahinta qodobada hishiis rasmi ah oo la sheegay in laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gas ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed Max’ed ayaa si wada jir ah u saxiixay heshiis ay wada-gaaren guddi labada dhinac matalayay oo muddo saddex maalin ah ku shir sana Garoowe.

Waxaa la sheegay illaa 12 qodob inay ku heshiiyen labada dhinac,waxaana heshiiskan la sheegay in uu soo afjarayo khilafkii muddada480x360x7171.jpg.pagespeed.ic.b84jpVVgsp dheer jiitamayay ee u dhaxeeyay Puntland iyo faderaalka.

Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira dalka ayaa dhowr mar dowladda dhexe ku dhaliishay inay bal marayso xaquuqdii ay ku lahayd,balse is afgarad buuxa ayaa la sheegay in laga gaaray tabashada Puntland.

Guddiyada labada dhinac oo saddexdii maalmood u dambaysay shirka wada-xaajoodka ku jiray ayaa isla afgartay dhammaan qodobadii miiska wadaxaajoodka la soo dhigay guulna gaaray sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka agdhow shirka wada-xaajoodka.

Waxaa lugu wadda inay goor dhow soo xiran-to munaasabada lugu soo bandhigayay heshiiska ay wada gaaren dowladda dhexe iyo Puntland,waxaana goob-joog u ah saxiixa heshiiska labada dhinac beesha caalamka oo dowladda Puntland horay u codsatay ka qayb galka xiritanka heshiiska ay la gaaran dowladda faderaalka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!