Dowladda federaalka iyo Puntland oo wada hadallo ku yeellanaya Garoowe

by admin | Monday, Mar 16, 2015

Garoowe : HN :–Dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa wada-hadallo ku qaadanaya magaalada Garoowe marka la gaaro billowga bisha April,sida waxaa sheegay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Isfahanka faderaalka iyo Puntland ayaa xilligan lugu sheegay inuu yahay mid wanagsan,waxaana socda qorshayaal ay dowladda dhexe ee dalka ku doonayso inay ku soo dhaweysato Puntland.

Puntland ayaa sanadkii hore jirsaday 16 sanno,waxaana la sheegay waxbadan inay ka fahansan-yihiin maamul wanaga,dowladda faderaalka ayaana doonaysa in qorshaha dhismaha maamullada looga tusaalo qaato Puntland.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaaladaCamey Gaalkacyo,kaddib safar uu ku tagay magaalada Muqdisho,waxuu sheegay wada-hadallo u dhaxeeya faderaalka iyo Puntland inuu ka furmayo shanta bisha April magaalada Garoowe.

“Madxaweyne Xasa Sheekh ayaan Muqdisho ku shirnay,waxaan arkayay inay soo bidhaamayso Soomaali-nimada,waxbadan oo an diidanahay ayay iyaguna diidan-yihiin,”ayuu yiri Camay.

Waxuu sheegay dhammaanba arrimaha ay ka wada-hadleen inay si mideysan isagu waafaqeen luguna ballamay bisha April ee sanadkan Garoowe inuu ka qabsoomo shir weyne u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Puntland.

“Isfah ayaan ka gaarnay dhammanba arrimaha an ka hadlnay,waxaana laga yaaba in shanta bisha April Garoowe la isagu yimaado oo waxii dhiman laga wada-hadlo,”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Falanqeeysha ayaa u arka isfahanka faderaalka iyo Puntland inuu yahay mid sahli kara in laga gudbo siyaasadda sunta ah ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosaneyd labada dhinac.

Caalamka gaar ahaana kuwa sheega inay raadiyaan wanaga Soomaaliya ayaa doonaya marka la gaaro 2016 inay dalka ka dhacdo markii ugu horreeysay doorasho ay shacabku doortan hoggaanka dalka.

Ugu dambeyn,Puntland dhowr mar ayay ku cel celisay inay diyaar u tahay wada-hadal kasta oo lugu xoojinayo midnimada Soomaaliya iyo sidii loogaari lahaa Soomaaliya oo hagaagta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!